Xilka Afhayeenka

Afhayeenka ayaa leh mas'uuliyadda kama dambaysta ah ee ku saabsan sida shaqada baarlamaanka loo qorsheynayo iyo loo maamulayo. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hogaaminaya shaqada baarlamaanka isagoo la tashanaya madaxda kooxaha ee xisbiyada baarlamaanka iyo taageerada maamulka baarlamaanka. Afhayeenka ayaa sidoo kale hogaaminaya shirarka golaha, waana wakiilka ugu weyn ee baarlamaanka ee xaaladaha kala duwan ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Afhayeenku waa jagada ugu sareysa ee qof loo dooran karo Iswiidhan. Marka la eego darajada, afhayeenka wuxuu ka ku danbeeyaa madaxa dawladda, tusaale ahaan boqorka, laakiin wuxuu ka horreeyaa ra'iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa soo jeedinaya cidda noqonaysa ra'iisul wasaaraha

Howlaha muhiimka ah ee horyaala guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ah in uu hogaamiyo wada xaajoodka haddii ay dhacdo isbedel xukuumadda iyo soo jeedinta ra’iisul wasaaraha cusub. Waa xaalad gaar ah Iswiidhan. Wadamada kale ee dimuqraadiga ah ee baarlamaanka, inta badan waa madaxa qaranka kan hogaaminaya isbeddelka xukuumadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka baxsan shaqada siyaasadeed ee baarlamaanka. Guddoomiyaha baarlamaanka waa xildhibaan la soo doortay, laakiin guddoomiye ahaan kama qayb galo shaqada guddiga ama doodaha iyo codadka golaha. Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay ku-xigeen kaas oo sidan oo kale sameeya.