Ku soo dhawoow baarlamaanka Iswiidhan

Baarlamaanku waa golaha ugu sareeya ee go'aan qaadashada ee Iswiidhan. Halkaan waxaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlaha iyo shaqada baarlamaanka.

Hawlaha baarlamaanka

Baarlamaanka waa golaha ugu sareeya ee go'aan ka gaarida Iswiidhan. Afartii sanaba mar dadka Iswiidhan waxay doortaan 349 qof ee u matali doona baarlamaanka. Kuwa baarlamaanka ku jira waxaa loogu yeeraa xildhibaanno.

 

 

 

 

Dimuqraadiyad

Dimuqraadiyaddu qiyaas ahaan waxaa loola jeedaa xukunka dadka ama awoodda dadka. Fikradda aasaasiga ah ee dimoqraadiyadu waa in qof kasta oo muwaadin ah ama ku nool waddan in uu helo fursad uu kaga qayb qaato oo uu fikrad ku yeesho sida dalka loo maamulayo. Caadiyan waxa taasi ku dhacdaa doorashooyin joogto ah.

Sida loo soo dhiso xukuumad

Dawladi waxay sii jiri kartaa xafiiska ilaa inta ay taageero ku filan ka haysato baarlamaanka. Waxaa jira dhowr sababood oo keeni kara in dowlad ay is casisho, loona baahan yahay in la dhiso dowlad cusub.

Sida loo soo dhiso xukuumad

La xidhiidh oo booqo baarlamaanka

Ma rabtaa in aad jawaabo u hesho su'aalaha ku saabsan shaqada baarlamaanka ama aad booqato dood ka socota aqalka baarlamaanka? Halkan waxaa ah macluumaadka xiriirka baarlamaanka.

La xidhiidh oo booqo baarlamaanka

Tani waa EU

27 wadan ayaa xubin ka ah Midowga Yurub, EU. Iswiidhan waxay xubin ka noqotay EU 1dii Janaayo 1995. Wadamada EU waxay iska kaashadaan arrimo badan oo dhaqaale iyo siyaasadeed.