Shaqada baarlamaanka

Baarlamaanka ayaa ka kooban 349 xubnood oo afartii sanaba mar la soo doorto doorashada guud. Goluhu waa halbowlaha baarlamaanka, laakiin inta badan shaqada siyaasadda waxay ka dhacdaa kooxaha xisbiyada iyo guddiyada.

Xubnaha baarlamaanka uma shaqeeyaan baarlamaanka, laakiin waxay haystaan dirmo ka yimid codbixiyeyaashooda inay ku fadhiistaan baarlamaanka muddo go'an. Sidaa darteed, waxay qaataan khidmad ee ma helaan mushahar. Xubintu waxay fulisaa shaqadiisa habeen iyo maalin, sanadka oo dhan. Xilku kuma koobna shaqada baarlamaanka, balse waxaa sidoo kale lagu gudan karaa tusaale ahaan deegaanka xubinta laga soo doortay, meelo kale ama dibadda.

Xubnuhu waxay leeyihiin khidmad aasaasi ah oo ah 81 400 karoon bishii, taas oo ay ka bixiyaan cashuur.

Golaha dhexdiisa, xubnuhu waxay ka doodaan oo ay gaaraan go’aan

Qolka, ama hoolka guud, waa wadnaha baarlamaanka. Halkan xubnaha baarlamaanka ayaa ka doodaya arrimo muhim ah, waana halka uu baarlamaanku go'aan ka gaaro.

Golaha dhexdiisa, waxaa ka mid ah doodaha ku saabsan arrimaha, doodaha dhex galka ah ee shaqsiyaadka wasiirada ah iyo waqtiyo su’aalo la weydiiyo xukuumadda. Doodaha waaweyn, sida dooda hoggaamiyaha xisbiyadda, ayaa soo laaban doona sannadka gudihiisa. Xisbiyada ayaa sidoo kale codsan kara in baarlamaanka uu qabto dood ku saabsan arrin gaar ah oo muhiim ah.

Guddiyadu waxay diyaariyaan go'aamada

Qayb weyn oo ka mid ah shaqada siyaasadeed waxay ka dhacdaa kooxaha xisbiyada ee baarlamaanka ee 15-ka guddi.

Xubnaha ay isku xisbi ka tirsan yihiin ayaa samaysta koox xisbi. Kooxaha xisbiyada, dhammaan arrimaha muhiimka ah ayaa lagu falanqeeyaa ka hor inta aanay xubnuhu ugu dambayn go’aan kama dambeysa ka qaadin guddiyada iyo golaha.

Guddiyada, xubnuhu waxay diyaariyaan dhammaan go'aamada uu baarlamaanku gaadho. Marka guddigu soo bandhigo soo jeedintooda go’aan ka gaarista, waxaa la joogaa waqtigii dhammaan 349-ka xubnood ee baarlamaanka ay mowqif ka qaadan lahaayeen soo jeedinta golaha.

Guddi kastaa waxay ka kooban tahay 17 xubnood. Guddiyadu waxay la mid yihiin "Baarlamaan-yar" oo macnaheedu yahay in xubnaha guddiga ay ka tarjumayaan muuqaalka baarlamaanka. Xisbiga ugu weyn baarlamaanka ayaa isna ku leh kuraasta ugu badan ee guddi kasta.

Guddiga EU-da, dawladdu waxay ku hirgalisaa siyaasaddeeda EU-da. Dawladdu waa inay la tashataa guddiga EU ka hor shirarka golaha wasiirrada iyo shirarka u dhexeeya madaxda EU iyo dawladaha ee golaha Yurub.

About the page

Published
Changed